Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa waaberigii saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo horay ugu xukuntay qisaas, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, una qaabilsanaa dilalka qorsheysan iyo jabhadaha weerarada gaadmada ah.
Xubnaha la fuliyay xukunka dilka ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Maaxi, Yoonis) iyo Ibraahim Aadan Maadeey, kuwaas oo maxkamaddu horey ugu ridday xukun dil ah kaddib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal ay Muqdisho ka fuliyeen, kuwaas oo lala beegsaday dad rayid ah oo sumcad ku lahaa bulshada dhexdeeda.
Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in raggan ay ka tirsanaayeen unugyada ka shaqeeya dilalka gaadmada ah ee kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay si cad ugu lug lahaayeen falal argagixiso oo si gaar ah loola beegsaday dadka aan waxba galabsan.
Xukunka oo lagu fuliyay waaberigii hore ee saaka ayaa ahaa mid maxkamaddu horey ugu xukuntay, kadib dhageysiyo sharci ah iyo caddaymo ay soo bandhigeen hay’adaha amniga.
Dhinaca kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa bilihii la soo dhaafay kordhisay fulinta xukunada dilka ah ee lagu riday xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dambiyo culus horey loogu helay, sida dilal qorsheysan, weerarro qaraxyo ah, iyo ka mid ahaanshaha urur argagixiso.
