Garsooraha Soomaaliga ah ee kubadda cagta Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa dhigay taariikh cusub oo aysan horay u samayn garsoorayaal badan oo Soomaaliyeed tan iyo xorriyadii Soomaaliya.

Garsooraha Soomaaliga ah ee kubadda cagta Cumar Cabdiqaadir Cartan ayaa dhigay taariikh cusub oo aysan horay u samayn garsoorayaal badan oo Soomaaliyeed tan iyo xorriyadii Soomaaliya.

Cumar oo horrey usoo dhigay rikooro sare oo uu ka gaaray garsooranimada kubada cagta ee Qaarada Afrika ayaa hadda ka mid noqday garasoorayaal loo doortay tartanka koobka adduunka ee FIFA.

Waxa uu ka mid yahay saddex garsoore dhexe oo laga soo doortay Afrika iyo wakiilka kaliya ee ka socda dalalka Afrikada ee Saxaraha ka hooseeya si uu u dhexdhexaadiyo koobka adduunka ee ciyaartooyda da’adoodu ka yartahay labaatan sanno jir ee loo qayaan FIFA U-20 World Cup 2025.

Ciyaarahaas kubbadda cagta adduunka ayaa la qorsheeyay inay ka dhacaan dalka Chile inta u dhaxaysa dhammaadka bisha Sebtember ilaa bartamaha bisha Oktoobar.

Garsoore Cumar Cabdiqaadir Cartan waxa uu ku biirayaa Jalal Jayed ee Morocco iyo Youcef Gamouh ee Algeria oo ah garsoorayaasha ugu waaweyn qaaradda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *