Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii ay Israa’iil ku qaadday Dooxa, kuna tilmaantay “weerar argagixiso”
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii duqeynta aha ee Israel ay ku qaaday caasimadda Qatar ee Dooxa.
Bayaan kasoo baxay wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay “ Jamhruuyadda Soomaaliya waxa ay si adag u cambaareeyneysaa weerarka milateri ee argagaxisnimo ee gumeysiga Israel uu ku qaaday goobo deegaan oo ku yaal magaalada Dooxa in uu xadgudub ku yahay amniga qaran ee dalka aan walaalaha nahay ee Qatar”
Bayaanka ayaa intaas ku daray in si bareer ah loo bartilmaameedsado rayid aan waxba galabsan in ay xadgudub ku tahay dhamaan xeerarka caalamiga ah.
Soomaaliya ayaa sheegtay in falka noocaas oo kale ah uu xadgudub qaawan ku yahay qawaaniinta dowliga ah uuna halis ku yahay amniga gobolka iyo caalamka waxayna ugu baaqday Golaha Amaanka in ay gutaan waajibkooda oo ay qaadaan tallaabo ah in ficilkaasi caddowtinimada ah uusan soo noqon, ayna hubiyaan ilaalinta rayidka.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagantahay Qatar iyo shacabkeeda, xadugudubka loo geeystay ayna kasoo horjeedo nooc kasta oo gardaro ah.

