GUDDOOMIYE DR. MUUNGAAB OO SI TOOS AH U DHAGAYSTAY CABASHADA BULSHADA DAARUSALAAM, ISAGOONA SHAACA KA QAADAY IN XUQUUQDA MUWAADINIINTA LA DIFAACAYO

GUDDOOMIYE DR. MUUNGAAB OO SI TOOS AH U DHAGAYSTAY CABASHADA BULSHADA DAARUSALAAM, ISAGOONA SHAACA KA QAADAY IN XUQUUQDA MUWAADINIINTA LA DIFAACAYO

Muqdisho, Siteembar, 10, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa maanta xarunta Degmada Daarusalaam ku qaabilay guddiyo matalaya bulshada deegaanka, si uu uga dhagaysto cabashooyin la xiriira dhul iyo arrimo kale oo bulsho.

Intii uu kulanka socday, Dr. Muungaab ayaa bulshada siiyay fursad ay si hufan ugu soo bandhigaan dhibaatooyinkooda, isaga oo carrabka ku adkeeyay in maamulka Gobolka Banaadir uu tixgelin buuxda siin doono xaqa muwaadiniinta, isla markaana aan la oggolaan doonin in xuquuqdooda la duudsiyo.

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha sida uu mar walba ugu furfuran yahay dhagaysiga bulshada, iyaga oo bogaadiyay doorka hoggaamineed ee uu ka qaadanayo xalinta tabashooyinka iyo dhiirrigelinta wadashaqeyn uu la yeesho shacabka.

Booqashada Dr. Muungaab ee xarunta degmada Daarusalaam ayaa qayb ka ah siyaasadda maamulka ee lagu daadajinayo adeegyada dowladeed, u-dhawaanshaha bulshada, iyo la-socoshada xaaladaha dhabta ah ee dadka ku nool caasimadda, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo adeeg bulsho oo waxtar leh.

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *