Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa geesiyaasha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 21-aad, Gorgor, iyo ciidanka xaq u dirirka deegaanka Ceeldheer ee maanta door muuqda ka qaatay difaaca degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.
Dadaalkooda iyo halgankooda geesinimada leh wuxuu mar kale muujiyay awoodda iyo isku-duubnida shacabka reer Galmudug ee u istaagay inay iska dulqaadaan kooxaha Khawaarijta AS.
Sidoo kale, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehelada geesiyaashii naftooda u huray difaaca dalka, annagoo Alle ka baryayna inuu shahaadada iyo naxariistiisa ku mannaysto. Kuwa dhaawacmayna waxaan Eebbe uga rajaynayaa caafimaad degdeg ah iyo bogsiin.
Guuldarrada cadowga waxay daliil cad u tahay in fikirka iyo ficillada Khawaarijta uu gebi ahaanba ku fashilmay bulshada Soomaaliyeed, isla markaana ay yihiin caqabad ka dhan ah nabadda iyo horumarka dalka.
Xoreynta dalka iyo difaaca midnimada waa waajib saaran muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad, baraare iyo horumar leh. Waxaa loo baahan yahay wadajir: mid qori ku difaaca, mid af iyo wacyi ku muujinaya, iyo mid taageero dhaqaale iyo garab istaag u muujino

