Netanyahu oo ku guuldareystay isku day dil oo uu la beegsaday hoggaamiyeyaasha Ururka Xamaas ee ku sugan Dalka Qatar.

Netanyahu oo ku guuldareystay isku day dil oo uu la beegsaday hoggaamiyeyaasha Ururka Xamaas ee ku sugan Dalka Qatar..

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa qaatay khatar weyn markii uu amar ku bixiyay weerar hawada ah oo lagu beegsaday hoggaamiyeyaasha sare ee Xamaas ee ku sugan dalka Qatar toddobaadkan — si uu u gaadho “guul buuxda” oo ka dhan ah kooxdaasi.

Laakiin, sida muuqata, weerarkii wuu fashilmay, waxaana tallaabadaasi keentay in Netanyahu wajaho cambaareyn cusub oo caalami ah, iyadoo xidhiidhka uu la leeyahay Qatar, oo ah xulafo muhiim ah oo Mareykanka ah isla markaana dhexdhexaadiye ka ahayd dagaalka Qaza, uu si daran u xumaaday.

Netanyahu wuxuu rajo ka qabay in dilka hoggaamiyeyaasha Xamaas ee dibadda ku sugan uu cadaadis xooggan ku saaro kooxda, taasoo uu iska dhaadhiciyay inay ku qasbi Lahayd Kooxda inay is dhiibaan kagadaal ku dhowaad labo sano oo dagaal aan waxba la isku reeban uu ka socdo Marinka Qaza ..

Laakiin xamaas waxay sheegtay in hoggaamiyeyaasheedu ay ka badbaadeen weerarka, taasoo sii wiiqday sumcadda Netanyahu, iyadoo horeyba loo cambaareynayay xasuuqa iyo burburka bani’aadamnimo ee ka dhacay Qaza ”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *