MW hore ee Somaliya Sheekh Shariif ayaa si adag uga hadlay Iyo dhalinyaro lagu xiray Muqdisho.
Qoraal ka soo baxay caawa Fiidkii ayaa Gudoomiyaha madasha samatabixinta mucaaradka ayaa sidan qoray
“Waxaa nasiib darro ah inay wali sii socdaan xariga sharci darrada ah iyo cabburinta bulshada caasimadda, waxaana codkeyga ku biirinayaa in si deg-deg ah loo sii daayo haweenka iyo dhalinyarada Ciidamada Boolisku maanta ay ka xireen xaafada Horseed ee Degmada Hodan xili ay muujinayeen dareenkooda ku aadan barakicinta sharci darrada ah.
Cabashada shacabku waa dareen bulsho oo ay tahay in si dhab ah ay dowladu u wajahdo mana ahan wax u wanaagsan dowlanimada, xasilloonida iyo ammaanka in looga jawaabo codka shacabka xarig iyo cabburin waana arrinta mar walba aan ka digayno”

