GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO DAAH-FURAY DIYAARINTA QORSHAHA KOBCINTA DHAQQAALAHA DOWLADDA HOOSE EE MUQDISHO
Muqdisho, Oktoobar 16, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan lagu daah-furayay diyaarinta Qorshaha Kobcinta Dakhliga Dawladda Hoose ee Muqdisho.
Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in lagu soo bandhigo habraaca iyo nidaamka loo marayo diyaarinta qorshahan muhiimka ah, kaas oo la filayo in la soo gabagabeeyo kahor dhammaadka sannadka 2025.
Qorshahan ayaa ka mid ah sagaalkii tiir ee ballanqaadyada horumarineed ee uu Guddoomiye Dr. Muungaab ku dejiyay qorshihiisa shaqo, gaar ahaan tiirka la xiriira isku-filnaanta dhaqaale, si Dawladda Hoose awood ugu yeelato maalgelinta adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarinta iyadoo ku tiirsan dakhligeeda gudaha.
Guddoomiyaha ayaa xusay in qorshahani uu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in lagu xoojiyo maamulka maaliyadeed ee caasimadda, isagoo maanta si rasmi ah u daah-furay geeddi-socodka diyaarinta qorshe cad oo kor loogu qaadayo dakhliga gudaha.
Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeennada Maamulka Gobolka, Xoghayaha Guud, Agaasimayaasha waaxyaha dakhliga, iyo khubaro farsamo oo ka tirsan Dowladda Hoose.
Diyaarinta qorshahani waxaa qayb ka ah xog-ururin, falanqayn iyo wadatashiyo bulshada lagu sameyn doono, si natiijada ugu dambeysa ay u noqoto mid dhab ah, oo ay bulshada iyo maamulka si wadajir ah uga qayb qaateen.
Saddexdii bilood ee ugu dambeysay, waxaa si muuqata loo arkay koror wanaagsan oo ku yimid soo-xareynta dakhliga gudaha, waxaana hadda qorshuhu yahay in la sii adkeeyo isla markaana kor loo sii qaado dadaalladaasi.
Qorshaha Kobcinta Dakhliga ayaa diiradda saari doona dhowr qodob oo ay ka mid yihiin: Kobcinta dakhliga gudaha, Tababarka iyo tayeynta shaqaalaha dakhliga, La-dagaallanka musuqmaasuqa, Wacyigelinta iyo awood-siinta bulshada, iyo Kormeer iyo qiimayn joogto ah oo lagu hagaajinayo habraacyada dakhli-ururinta.
Jowharnews.net

