𝐌𝐀𝐃𝐀𝐗𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀 𝐃𝐑 𝐗𝐀𝐒𝐀𝐍 𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐇 𝐎𝐎 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐁𝐓𝐀 𝐒𝐎𝐎 𝐗𝐈𝐑𝐀𝐘 𝐓𝐀𝐑𝐓𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐊𝐔𝐁𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐂𝐀𝐆𝐓𝐀 𝐃𝐄𝐆𝐌𝐎𝐎𝐘𝐈𝐍𝐊𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑, 𝐁𝐀𝐋𝐂𝐀𝐃 𝐈𝐘𝐎 𝐖𝐀𝐑𝐒𝐇𝐄𝐄𝐊𝐇
𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐍𝐨𝐟𝐞𝐞𝐦𝐛𝐚𝐫 𝟎𝟔, 𝟐𝟎𝟐𝟓: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka deriska la ah ee Balcad iyo Warsheekh, waxaana munaasadda soo xiritaanka goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).
Munaasabadda xiritaanka oo lagu qabtay garoonka Istaadiyow Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay xubno ka tirsan Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo Gobolka Banaadir, Halyeeyadii kubadeed ee hore, iyo kumanaan taageerayaal ah.
Ciyaarta kama dambaysta ah ayaa dhexmartay xulalka degmooyinka Hawlwadaag iyo Warsheekh, iyadoo kooxda Degmada Hawlwadaag ay ku guuleysatay koobka, kaddib markii ay 2–1 kaga adkaatay dhiggooda Warsheekh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray labada kooxood, gaar ahaan xulka Degmada Hawlwadaag oo qaaday koobka, ayaa sidoo kale ammaanay dadaalka iyo ciyaar wanaagga ay muujiyeen ciyaartoyda Warsheekh.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay in tartanka uu muujinayo sida ay bulshada caasimaddu ugu diyaarsan tahay doorashooyinka qof iyo cod ah, islamarkaana ay guul weyn ka gaartay dadaalka lagula dagaallamayo argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab ee nabad-diidka ah.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa dhankiisa sheegay in tartankan uu ahaa mid isdhexgal bulsho, islamarkaana ay mas’uuliyiinta ciyaaraha muujiyeen hufnaan, adkaysi iyo cadaalad.
Waxa uu tilmaamay in shacbiyaddii maanta iyo kala-dambaynta muuqatay intii uu tartankan socdayba ay beeniyeen damaca qallafsan ee kuwa diiddan nabadda Caasimadda. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu rajaynayo in dadweynaha joogteeyaan la-shaqaynta hay’adaha amniga, islamarkaana usoo baxaan doorashooyinka ay isu diyaarinayso magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Tartanka maanta la soo xiray ayaa waxaa ka qaybgalay 20-ka degmo ee Gobolka Banaadir iyo degmooyinka deriska la ah ee Balcad iyo Warsheekh, taasoo sare u qaaday isku xirnaanta iyo nabadda bulshada ku dhaqan caasimadda iyo hareeraheeda.
Jowharnews.net

