Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Dhuxulow oo safar shaqo ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustaf Dhuxulow oo safar shaqo ku jooga magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa booqasho ku tagay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas waxa uuna halkaas kula kulmay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Uganda, Gen Joseph Musanyufu, Brig. Johnson Namanya oo ah Ku-simaha Agaasimaha Socdaalka iyo Col Geoffrey Kambere oo ka tirsan Waaxda Socdaalka.

Agaasimaha Guud iyo Mas’uuliyiinta uu la kulmay ayaa waxa ay kawada hadlayn xoojinta nidaamyada socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, iyo horumarinta tiknoolajiyada dukumentiyada safarka si loo horumariyo adeegyada socdaalka.

Ugu dambayn, Agaasime Guud ayaa kormeer ku tagay xarunta diiwaangelinta baasaboorrada iyo nidaamyada casriga ah ee lagu bixiyo adeegyada Socdaalka jowharnews.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *