Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Saldhiga degmada Hodan ayaa gacanta ku soo dhigay afar (4) dhalinyaro ah oo ku eedaysan falal khatar gelinaya amniga waddooyinka iyo badqabka bulshada. Eedeysanayaasha waxaa lagu kala magacaabaa: C/Risaaq Maxamed Faarax, Najiib C/llaahi Mire, Feysal Cismaan Maxamed, iyo C/maalik Maxamuud Daahir.
Waxay muuqaallo halis ku ah naftooda iyo tan bulshada ku baahiyeen barta TikTok, iyagoo isku dhigaya gaadiidka waddooyinka maraya, taasoo sababi karta shilal iyo khasaare naf iyo maalba leh. Eedeysanayaashu waxay ku jiraan gacanta Booliiska, waxaana si waafaqsan sharciga loogu gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh.
Cid kasta oo ku kacda falal khatar gelinaya amniga iyo badqabka bulshada, Booliisku wuxuu ka qaadi doonaa tallaabo adag oo waafaqsan sharciga. Muwaadiniintu wixii cabasho ama xog amni ah la soo wadaag Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, 991, ama email: banadir@police.gov.so.
—DHAMMAAD—

