Ciidanka Booliska waxay uga digayaan dhammaan askarta inaysan hubkooda u dhiibin dadka rayidka ah, sidoo kale shacabku uusan hub ku ciyaari karin, muuqaalo halis gelinaya bulshada

Muqdisho, 2 Oktoobar 2025 – Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Saldhigga Degmada Warta-Nabadda, ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane oo kala ah Askari iyo shacab oo ku kacay fal halis gelinaya naftooda iyo tan dadweynaha.

Eedeysanayaasha waxay ku jiraan gacanta Ciidanka Booliska waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loogu waafajiyo.

Ciidanka Booliska waxay uga digayaan dhammaan askarta inaysan hubkooda u dhiibin dadka rayidka ah, sidoo kale shacabku uusan hub ku ciyaari karin, muuqaalo halis gelinaya bulshada aan lagu duubi karin, Qof kasta oo lagu helo fal noocaas ah waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciyeed oo adag.

Jowharnews.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *