DEG DEG: Xildhibaan Aamina Eelay oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo goordhow xiriir la soo sameysay Shabelle TV

DEG DEG: Xildhibaan Aamina Eelay oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka oo goordhow xiriir la soo sameysay Shabelle TV ayaa sheegtay in hadal ay maanta Golaha ka jeedisay si qaldan ay u fasirteen shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho balse uu kala duwan yahay hadalka ay Warbaahinta ka sheegtay iyo sida ay dadku u fahmeen.

Xildhibaan Aamina ayaa sheegtay in aysan marna AS ku sheegin dadka shacabka ah ee laga barakiciyey dhulalka Dowladda balse ay sheegtay in meelaha laga saaray oo buushash iyo cooshado ahaa ay gabaad u ahaayeen kooxdaasi dowladda kula jirta dagaalka.

Xildhibaanada ayaa dadka hadalkeeda sida qaldan u fasirtay raali gelin siisay, iyadoo xustay in aysan marnaba hadalo noocaasoo kale ah aysan u quurin shacabka Soomaaliyeed.

Wareysigaas oo ay bixisay Xildhibaanadu markii Golaha banaanka looga soo baxay ayaa Waxaa tebiyey warbaahinta kale duwan ee madaxabanaan, waxaa uuna hadalheyn ka dhaliyey baraha ay bulshaddu ku wada xiriirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *