Muqdisho, 31 Agoosto 2025 – Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Saldhiga Ceelasha Biyaha ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal burcad ah oo ku eedeeysan inay khal-khal geliyeen amniga isla markaana dhac u geysteen dad shacab ah.
Eedeysanayaasha la soo qabtay ayaa kala ah: Dable X.G.D. Nuur Muxiyadiin, Dable X.G.D. Yaasiir Cali Abukar, iyo Cabdi Kaafi Ibraahim Shariif.
Eedeysanayaasha waxay gacanta ugu jiraan Ciidanka Boliiska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si loo waafajiyo sharciga dalka.
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga, si loo adkeeyo nabadda iyo xasiloonida guud.
Muwaadin, wixii cabasho ah kala soo xiriir: 991 ama E-mail: banadir@police.gov.so
— DHAMMAAD —

