Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa xiray Xarunta Dahab Dental Clinic kadib markii lagu helay Dukumintiyo been abuur ah iyo qalab Caafimaad oo aan hagaagsaneyn kaasi oo halis ku ah badqabka Caafimaadka Bulshada dhibaatana ugeystay Bukaano Soomaaliyeed.
Golaha ayaa kiiska xaruntan u gudbiyay Maxkamadda gobolka Banaadir iyo hay’adaha garsoorka dalka.

