Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa kormeer ballaaran ku sameeyay

GUDDOOMIYAHA MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR AHNA DUQA MUQDISHO OO CAAWA KORMEERAY QAYBO KA MID AH CAASIMADDA

Muqdisho, Siteembar 19, 2025: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa kormeer ballaaran ku sameeyay qaybo muhiim ah oo ka tirsan caasimadda, isagoo u kuurgalay xaaladda amniga iyo adeegyada bulshada.

Kormeerkan, oo ka billowday degmada Cabdicasiis, ayuu Guddoomiyuhu ku soo maray goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Cali Kamiin, Baar Ubax, Balaagsii, Wershadaha, Ekis-Kontarool Balcad; waxaana uu ugu dambayn ku soo gunaanaday Isgoyska KM4 (Lambar Afar).

Dr. Muungaab ayaa xusay muhiimadda ay leedahay joogteynta kormeerka iyo la-socodka xaaladda amniga, isagoo hoosta ka xarriiqay in maamulka gobolka iyo hay’adaha amniga ay ka go’an tahay in la xaqiijiyo nabadgelyada caasimadda.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga caasimadda ay sii socon doonaan, iyadoo kormeeradan iyo dhexgalka shacabka ay qayb ka yihiin qorshaha lagu xoojinayo xiriirka bulshada iyo hay’adaha dowladeed.

Intii uu kormeerka socday, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) waxaa wehelinayay Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi), iyo Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ee Gobolka Banaadir, Liibaan Cabdiraxmaan Aadan, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *