Maamulka degmada Ceeldheer oo wakiil ka ahaa dadka deegaanka oo iskugu jira Ganacsato, Qurbojoog, Odayaal dhaqan iyo Saraakiil ayaa maanta deeq xoolo nool ah ku wareejiyay Saraakiisha Ciidanka

Maamulka degmada Ceeldheer oo wakiil ka ahaa dadka deegaanka oo iskugu jira Ganacsato, Qurbojoog, Odayaal dhaqan iyo Saraakiil ayaa maanta deeq xoolo nool ah ku wareejiyay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka si loogu dhiirogaliyo Ciidanka Qaranka ee Argagaxisada Cashirka u dhigay maalin ka hor.

Meesha xoolaha lagu wareejinayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Taliyihii hore Sirdoonka Qaranka, Taliyaha Booliska Hirshabeelle iyo Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo la wareegay xoolaha ayaa bulshada deegaanka uga mahadceliyay dadaalka iyo garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *