MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO KULAN DADWEYNE KU QABTAY DEGMADA XAMAR JAJAB
Muqdisho, Oktoobar 20, 2025: Guddoomiye Ku-xigeennada Arrimaha Amniga iyo Siyaasadda, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Hawlaha Guud, Md. Cabdimajiid Daahir Aadan, ayaa hoggaamiyay kulan wacyigelin bulsho ah oo lagu qabtay Xamar Jajab.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa; guddoomiyaal degmo, marti sharaf kale oo heer sare ah, iyo Qaybaha Bulshada ku dhaqan degmadaasi.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka, iyadoo la xoojiyey in ka qaybgalka doorashooyinka uu yahay xaq dastuuri ah oo muwaadiniintu leeyihiin. Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay muhiimadda amniga, bilicda degmada, iyo horumarinta waddooyinka, si bulshada loogu dhiso deegaan nabad iyo horumar waara leh.
Mas’uuliyiinta ayaa bulshada ku boorriyey inay ka qaybqaataan doorashooyinka, isla markaana ay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadda, bilicda, iyo horumarinta degmada.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah himilada duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo si joogto ah muwaadiniinta ugu boorriya inay codkooda ka dhiibtaan mustaqbalka masiirkooda maadaama uu dalka u diyaargaroobayo doorashooyin dadweyne.
Jowharnews.net

