Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, ayaa caawa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo maanta gaaray magaalada Laascaanood, Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Gargaarka ee Maamulka Waqooyi Bari Cabdirisaaq Hindi.

Kulankan ayaa lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta ku aaddan arrimaha bini’aadantinimada, gargaarka degdegga ah iyo qorshayaasha horumarinta bulshada. Madaxweynaha Waqooyi Bari ayaa si diirran u soo dhoweeyay weftiga, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in si dhow loo wada shaqeeyo si loo dardargeliyo adeegyada bulshada iyo taageerada shacabka.

Ugu Danbeyn: Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa ku booqday hoy-gooda Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Waqooyi Bari, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jabriil, halkaas oo ay kaga wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga iyo wada shaqaynta dhanka gurmadka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *