Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay safiirka Dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. FEI Shengchao oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhaxeeyo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimida.

Danjire Shengchao, ayaa dhankiisa tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ee ka dhaxeeyo labada dal, gaar ahaan dhinacyada kala duwan ee muhiimka u ah labada Jamhuuriyadood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *