π’ OGEYSIIS KU SOCDA BULSHADA SOOMAALIYEED EE KU DHAQAN KENYA IYO NAWAAXIGEEDA πΈπ΄π°πͺ
Waxaa sharaf weyn noo ah inaan ku martiqaadno dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya inay si wadajir ah u taageeraan kooxda ciyaarta ka Tirsan CAF Champions League kulanka lugta hore:
Mogadishu City Club (MCC) π Kenya Police FC
Taariikh: Sabti, 20-ka September 2025
π Waqti: 4:00 galabnimo
π Goobta: Garoonka Nyayo Stadium, Nairobi
Tani waa waqti taariikhi ah oo muhiim u ah kubadda cagta Soomaaliyeed! Aan garoonka ku soo buuxino 20,000 taageere, oo calankeena lulaya, oo aan garab istaagno Mogadishu City Club. Taageeradiina ayaa ah xooggeena.
Kaalay adiga, qoyskaga iyo asxaabtaada, aan tusno dunida sharafta iyo xoogga bulshada Soomaaliyeed ee Kenya!
Taageeradiinu waa guusheena β Aan ka dhigno Nyayo Stadium mid guuxaya.

